Waa maxaay Health Exchange? |
|
Health Exchange waa lamaanimo horumareed ee ka dhexeeyo Heart of Birmingham Teaching Primary Care Trust iyo Maktabadaha Magaalada Birmingham, ee la sameeyay Luulyo 2006.
Waxaa nooceena loogu talogalay inay adeegyada caafimaadka ka dhigto kuwo ay dhammaan xubnaha jaaliyaddeena heli karaan, iyada oo la isticmaalaayo ilaha internetka oo isku dhafan, meelaha ay shacabka ka geli karaan oo ay joogaan hawlwadeenada Health Exchange iyo dadka taakuleeyo.
Gudaha boggaan internetka, waxaan keenay si wadajir ah macluumaadyo baaxad eh ee ku saabsan caafimaadka iyo ururada kaalmada deegaanka si awood laguugu siiyo inaad uga horumarisid adeeggaaga khasiyadeed waxuuna kula socodsiinayaa waxa ay yahiin kala xulashooyinka lagaaga heli karo Birmingham.